Daawo Sawirada:- Turkiga oo Xarun Casri ah Ka Dhisay Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Turkiga oo Xarun Casri ah Ka Dhisay Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa markale ku guulaysatay inay dalka Soomaaliya ka dhisto Xarun Casri ah oo lagu xanaaneeyo Hooyada iyo Dhalaanka.

Xaruntan oo lagu sheegay inay tahay tan ugu weyn ee qariiradda bariga Afrika ayaa lagu qaabilayaa Hooyada iyo dhalaanka, waxa uuna dhismaheeda weli ka socdaa Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Afar Sano ka hor meeshani waxa ay aheyd Meel Qashinka lagu qubo, Intii aan lagu billaabin dhismaha Isbitaalka waxaa laga daabulay goobtaasi 10,000 oo tan oo qashin ah, waxa uu Isbitaalka dhismo ahaan ku fadhiyaa 7,000 oo dhinac kaste ah iyadoo guud ahaan dhulka uu heystana yahay 45,000 mitir oo dhinac kaste ah.


Waxa uu qorshuhu yahay in Dhulka intiisa kale laga dhiso kuliyad caafimaad, xarrun carruurta agoonta ah lagu xanaaneeyo Masaajid lagu cibaadeysto iyo meelo lagu nasto.


Dhismaha cusbitaalka waxa uu ka kooban yahay qeyb la seexiyo haweenka iyo carruurta xannuunsan, qeyb lagu xannaaneeyo caruurta ku dhasha bila-dhimanka, qeyb lagu qaabilo bukaan socodka iyo qeyb jiif u noqoneysa dhaqaatiirta wadamada kale ka yimaada.

Ugu yaraan Maalintii waxaa uu Isbitaalka qaabili doonaa Shan Boqol (500) oo bukaan iyadoo la seexin karo 100 ruux oo haween iyo carruur isugu jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada