Sirdoonka Ingariiska oo Aqoonsaday Ninka Lagu Badaley “Jihadi John” (VIDEO)

Sirdoonka Ingariiska oo Aqoonsaday Ninka Lagu Badaley “Jihadi John” (VIDEO)

daajis.com:- Baaritaan iyo dabagal dheer ay Sirdoonka Dowlada dalka Ingariiska sameeyeysay ayaa waxaa lagu ogaatay shaqsiga katirsan Dagaalyahanada Kooxda Daacish oo kasoo muuqday Muuqaal borobogaando ah ay baahisay Kooxda Daacish kaasoo oo ninkani lagu sheegay inuu badalay booskii Jihadi John.

Ninkan kasoo muuqday Muuqaalkii ugu dambeeyay ay baahisay kooxda Daacish, fariintana usoo diray Dowlada Britain ayaa magaciisa lagu sheegay inuu yahay Siddartha Dhar, ninkan ayaa asalkiisu waxa uu ahaa Hinduu ku nool bariga London kahor inta uusan qaadan diinta Islaamka.

Siddartha Dhar ayaa markii uu qaatay diinta islaamka waxa uu la baxay magaca Abuu Rumaysah, waxa uuna noqday nin si weyn ula dhacsan aadna u taageeray Kooxaha jihaad doonka ah, waxa uuna ugu dambeyn ku biiray Kooxda Daacish.

Ninkan la aqoonsaday ayaa loo xiray intii uu London joogay eeda ah in uu taageerayay kooxda xagjirka ah ee Al-Muhaajiruun, hasayeeshee waxa uu ka baxsaday gacanta booliska kaddib markii damiin lagu sii daayay waxa uuna galay dalka Suuriya.

Gabar la dhalatay Siddartha Dhar, ayaa Warbaahinta Britain u sheegtay in ay u maleesay in uu yahay walaalkeed markii ay daawaday oo dhageesatay fariinta uu soo diray, hasa ahaatee si dhaba ah uma xaqiijin in uu walaalkeed yahay qofkaasi.

Ninkan Hindiga ah ee kasoo muuqday Muuqaalka ay soo dirtay Daacish ayaa Warbaahinta Britain qaarkood ugu yeereen in uu yahay “Jihadi John-ka ” Cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada