Sir Culus:- Soomaaliya oo dhexda ka gashay dagaalka Shiicada & Sunniyiinta & Masuuliyiin ka tirsan JFS oo lug ku yeeshay. (Daawo)

Sir Culus:- Soomaaliya oo dhexda ka gashay dagaalka Shiicada & Sunniyiinta & Masuuliyiin ka tirsan JFS oo lug ku yeeshay. (Daawo)

daajis.com:- Waxaa in dhaweydba soo if baxaysay in aay gudaha Soomaaliya ka socoto faafinta shiicada. Waxaa dhawaan sida aay idiin soo tebisay Caasimada Online lagu xiray magaalada Muqdisho lagu xiray laba ruux oo lagu eedeeyay in faafinayeen Shiicada kuwaaso dhalasho ahaan ka soo jeeday Iiraan.

Haddaba arrintan oo aay Caasimada Online dabagal dheer ku sameysay ayaan waxaan kusoo ogaanay in aay tahay arrin jirta oo aayna wadaadada Shiicada dad badan oo Soomaali ah aay qaateen madhabta Shiicada. Waxaa kale oo aan soo ogaanay in dadkan badidood aay u qaateen Shiicada in aay tahay arrimo Dhaqaale iyo Siyaasadba.

Dowladda Iiraan ayaa barnaamijkan si xowli ah uga wado dalka Jabuuti iyadoo markaa aay dowladda Jabuuti aay ka heleyso taageero dhaqaale dalka Iiraan. Waxaa aay dowladda Iiraan ku bixisay adduun dhan $250 Malyuun oo dollar dhisida golaha shacabka (Baarlabaanka Jabuuti)

Arrintan oo salka ku haysa dagaal diimeedka u dhexeeya Sunni iyo Shiica kaasoo hadda ka socda meelo badan oo ka mid ah bariga dhexe gaar ahaan Yemen, Ciraaq & Afghanistan.

Dowladda Iiraan oo kaashaneysa Shiinaha ayaa waxaa aay hadda ka dhisanayaan xarun millitery dalka Jabuuti.

Waa Maxay Kaalinta Aay Soomaaliya kaga jirto dagaalka Shiicada iyo Sunniyiinta?

Waxaa dhawaan waddanka isutagga Imaaraadka Carabta uu gebi ahaanba joojiyay in Fiiso (Visa) aay siiyaan dadka sita baasaboorka Soomaaliga ah, Imaaraadka ayaa baaritaanno dheer kaddib ogaaday in jabhadda Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen loo marsiiyo saanadda dagaal iyo raashinba dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland, raashinka oo laga soo raro Imaaraadka ayaa waxaa doonyaha sida aay marka hore keenaan Boosaaso, kaddibna dib loogu celiyaa oo aay uga dagaan Yemen, raashinka iyo hubkaasoo loo wado jabhadda Xuutiyiinta.

Ganacsato Soomaaliyeed oo la leh xiriir dalka Iiraan ayaa qandaraas ku qaatay in aay gudbiyaan hubkaas iyo raashinkaas si loo gaarsiiyo jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen.

Dowladda Imaaraadka ayaa lagu wadaa in aay waddankeeda ka soo dhoofiso ganacsato lagu qiyaasay konton (50) kuwaasoo xiriir la lahaa dalka Iiraan.
Sida aay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan JFS ayaa noo xaqiijiyay in Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale ogaatay in saraakiil sare oo ka mid ah DF Soomaaliya aay xiriir dhow la leeyihiin xukuumadda Tehraan. Waxaa aay Imaaraadka ka mamnuuceen baasaboorka dibloosiga ah in sidoo kale ku bixiso dal ku galka imaaraadka (Visa), iyagoo markaa saaray cunaqabateyn laba wasiir oo ka tirsan JFS oo aay Imaaradka ogaadeen in aay xiriir la leeyihiin xukuumadda Tehraan. Wasiiradaas ayaa la sheegay in aay haystaan dhalashada dalka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa la sheegayaa in sirdoonka Mareykanka uu ku wado baaritaanno. Haddii aay ku caddaato in aay xiriir la leeyihiin xukuumadda Tehraan aay muteysan doonaan xarig iyo in lagala noqdo dhalashada.

Magacyada labada wasiir ayaanan mudda xaadirka ah aanan idinla wadaagi karin, sida aay naga codsadeen masuuliyiinta JFS ee na siiyay xogtan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada