DAAWO: Ururka ISIS oo soo bandhigay Ninkii Lagu badelay Jihadi John (VIDEO)

DAAWO: Ururka ISIS oo soo bandhigay Ninkii Lagu badelay Jihadi John (VIDEO)

daajis.com:- Ururka Daacish ayaa mar kale soo dirtay hanjabaadyo ku socota Dowladda dalka Britain, iyaga oo muuqaalka ay  soo duubeen ku baahiyeen barahooda Media-ha iyo baraha internetka ee dalka Uk.

Nin u muuqday in lagu baddelay “Jihadi John” ayaa kasoo dhex muuqday video’ga isaga oo dul taagan rag lagu eddeeyay in ay yihiin “basaasiin”, isla markaasna ku hadlaya lahjadda luuqadda Ingiriisiga ee Britishka.

Habka uu u dhaqaaqayo, hadalka iyo labiskaba wuxaa loo ekeysiiyay kii Jihadi John, waxaana ka duwan oo kaliya hubka uu ninkani adeegsanayo oo markani ah bastoolad, halkii uu “Jihadi John-kii runta ahaa mindida isticmaali jiray.


“Jihadi John” ayaa waxaa bishii Novermber ee sanadkii 2015-ka weerara xagga cirka ah lagu qaarijiyay isaga oo ku sugan gudaha dalka Suuriya.

Ninkan “Jihadi John-ka cusub ayaa David Cameroun ku tilmaamay inuu yahay “doqon” markii uu go’aansaday in uu la dagaallamo calammada madow. Waxa kaloo uu ku sheegay “addoonkii Aqalka Cad” iyo “dameerkii Yuhuudda”.

Waxaa sida ka muuqata “Video”ga,intaa ka dib loo gudbay dilka 5 qof oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dalka Britain.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada