daajis.com:- Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo hadal ka jeediyey Munaasibad Lagu soo dhoweeyay madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa ka yaabsaday Bulshada Soomaaliyeed, Isagoona ka sheekeeyay sida uu dalka u maamulo GABRE oo ah wiil-yar oo Xabashi ah.
“Xasan sheekh iyo Shan boqol oo madaxda Soomaalida kamid ah, ayaa waxaa Farta ugu yeedhaya Wiil-yar oo Xabashi ah, oo meesha uu doono ayuuu u ka xaynayaa, Niyadii ayaa laga dhigtay oo waa la is-dhiibay” ayuu yidhi.
Wuxuu hadalkiisa Raaciyey Faarax Macalin “Dhiig Soomaali baan leeyahay, oo Soomaali Baan ahay, Anigu meesha aan joogo (Kenya) inaan Sharaf ku noolaado ayaan rabaa, Kaas aan isku dhiigana nahay ee Soomaaliyeedna inuu sharaf ku Nolaado ayaan Rabaa” ayuu yidhi Faarax.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:15 and have
, Published at