daajis.com:- Odayaasha iyo waxgaradka degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa ka yaabsaday Faysal Cali Waraabe iyo Xubno la socday oo halkaasi Booqday oo ka doonayey Soo dhowan, waxayna kala hortageen “Somaliland waxay wado, Macdanta ay baadhanayso iyo Dadka ay xooga ku haysato, Aduunku waa og yahay, Anaguna waan ognahay, Waanu ka Jawaabaynaa” ayuu yidhi mid kamida waxgaradka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay nin sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii Askarta geeyay Deegaanka “Meeshani Somaliland maaha, Afka ayaa laga sheeganayaa, Ninkii Somaliland keenay aniga ayuu ahaa, Maalintii aanu Samaynay Askarta ayaa Sidaha (Xadhiga) Naloo-gooyey”
“Meesha Isaaq ayaa haysta, Anagu Somaliland ma nihin, Ma aqbalayno Diiwaan gelin iyo Doorasho, Qabyaalada Aabaheed ayaad tihiin, Soomaali Reerka ugu Qabyaalada Xun waa Isaaq” ayuu Raaciyey hadalkiisa.
Ugu danbayntii waxaa isagoo yaaban goobta ka hadlay Faysal Cali waraabe, Wuxuuna sheegay inay xaqiiq tahay oo beesha dhexe (Isaaq) ay waxkastaba way isku Fuuqsatay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:13 and have
, Published at