daajis.com:- Wasiirka caddaaladda Germany Heiko Maas ayaa sheegay in haddii dadka magangalyo doonka ah ay ka mid noqdaan dadka mas’uulka ka ah xadgudubyo galmo iyo xatooyo ka dhacday magaalada Cologne, in dalka laga masaafurin doono.
Maas oo khamiistii la hadlay warbaahinta Funke, ayaa sheegay in sharciga Germany uu ogolaanayo in dadka magangalyo doonka la masaafuriyo, haddii la gu xukumo hal sano ama ka badan oo xabsi ah.
Arrintan oo warbaahinta Germany ay si weyn u hadal heyso, ayaa waxaa gabdho dhowr ah ay sheegeen inay falalkan kula kaceen dad ajaaniib ah oo u badan kuwa ka yimid Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Waxay boolisku baarayaan sheegashada arrintaasi iyo inay salka ku heyso arrimo la xirira siyaasad oo arrintu ay gadaal ka riixayaan xisbiyo mucaarad ah oo neceb dadka soo galootiga iyo Islaamka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:59 and have
, Published at