daajis.com:- Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Kulankan deg deg ah oo Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ay isugu yimaadeen Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa lagu falan qeeyay Go’aankii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gaba gabeeyayXarnuta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.
Shirka Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa Shir Guddoominaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane, Axmed Cali Xaashi sheegay in mar waliba Puntland fekerka ay ka qabto Doorashada ay tahay in hab deegaan lagu saleeyo.
Gaba gabadii kulanka Xildhibaanada Puntland ay ku yeesheen Magaalada Garowe ayaa waxa ay ka soo saareen Warsaxaafadeed ay ku tilmaamayaan aragtida rasmiga ah ee ay ka qabaan go’aanadii ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed in Xildhibaanada Puntland aysan taageersanayn go’aanadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Sidoo kalena Xildhibaanada Puntland ay taageerayan hadalkii Madaxweyne C/wali Gaas, kaasi oo ku saabsanaa inuu ka soo horjeedo in Soo xulista Xildhibaanada imaan doona lagu saleeyo nidaamka 4,5.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at