daajis.com:- Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hor yimid go’aankii shalay aay gaareen golaha madasha wadatashiga ee lagu go’aamiyay in nidaamka doorashada 2016 aay noqoto in 4.5 lagu soo doorto xildhibaanada aqalka hoose, iyo in dowlad goboleedyada aay soo xulaan aqalka sare, iyadoo 6 lix xildhibaan oo dheeri ah la siiyay Puntland & Somaliland.
Cabdiwali Cali Gaas, waxaa uu raalli ka ahaa go’aankii aay qaateen madasha, balse si uu uga hortago mucaardkiisa Faroole iyo Cali Warsame ayuu qaac isku qariyay. Balse waxaa uusan ka fekerin baa ah, muxuu sameyn doonaa bisha Febraayo 12 oo uu ballan qaaday in Puntland aay aqbali doonto go’aanka? Muxuu ku qancin doonaa shacabka Puntland ee ka mudaaharaaday go’aankii madasha? Muxuu isku difaaci doonaa?
Waa Maxay heshiiska runta ah ee lala galay Cabdiwali Gaas?
1. In 3 xildhibaan ee dheeriga ah ee ka imaneyso Puntland aay noqdaan xildhibaano reer Khaatum ah.
2. In 3 Xildhibaan ee dheeriga ah ee ka imaneyso S/L aay noqdaan xildhibaano reer Khaatumo ah.
Bal si aad degan u dhegeyso wareysigan uu bixiyay; wuxuu leeyahay Puntland baa na dirsatay. Go’aanka aqbalidiisana idinkaa leh, idinka ayeey idiin taalaa. Ma dhahayo diidmada go’aanka idinkaa iska leh. Tolow muxuu og yahay oo shacabka aay ku yeeli doonaan go’aan aay diideen.
Su’aalahan iyo kuwo kale oo badanba waxaad jawaabtooda heli doontaa wixii ka danbeeya Bisha Febraayo 12. (Calaamadeyso taariikhdaas)
Waxaan maqli jiray: Nabiib inta uu ku nabo ayuu nebiga kaaga hormaraa.
Cali Maxamed Warsame
caliwarsame2002@hotmail.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at