Wiil Soomali ah oo lagu eedeeyay inuu diley gabar u dhalatay dalka Sweden oo maxkamad la soo taagay(Sawiro)

Wiil Soomali ah oo lagu eedeeyay inuu diley gabar u dhalatay dalka Sweden oo maxkamad la soo taagay(Sawiro)

daajis.com:- Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden ayaa maanta la soo taagay wiil  Soomaali ah oo loo haysto dilka Alexandra Mezher oo ahayd gabar 22 jir ah oo u dhalatay dalka Sweden.

Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Khaliif Nuur ayaa su’aalo ay weydiisay maxkamad isagoo tarjubaan Soomali ah la joogay, hase yeeshee lama hayo wax cadeyn ah in wiilkan uu yahay Yuusuf Khaliif Nuur kana yimid dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkan uu diiday in uu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay waxayna maxkamadu amartay in dacwadiisa qol xiran lagu dhagaysto.

Si kasta ha ahaateeYuusuf Khaliif Nuur ayaa maxkamadu xukuntay in la sii hayo illaa iyo 11ka bisha Febraayo ee sanadkan lana soo dhamaystiro baaritaanadiisa.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa ku jirey dhismo lagu xanaaneeyo carruurta magangalyo doonka ah oo aan waalidkood la socon, waxana la sheegay in halka uu ku noolaa ay ahayd meel loogu talogalay carruurta aan maskaxdooda caadiga ahayn.

Wiilkan lagu eedeynayo dilka gabadha u dhalatay dalka Sweden ayuu adeegsaday mindi waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay baarayaan taariiqda dhalashadiisa maadaama la sheegay in wiilkan uu leeyahay gar iyo shaarubo.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriirta dacwadan loo haysto wiilkan la sheegay in uu ka soo tahriibay dalka Soomaalliya.

Maxkamadaynta wiilkan ayaa ku soo beegantay xilli ay dowlada Sweden ku dhowaaqday in ay dalkeeda ka saareyso dad tahriibayaal ah oo tiradooda ku dhow dahay boqol kun oo ruux.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada