daajis.com:- Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa taageeray go’aanka C/wali Gaas ka qaatay shirkii Muqdisho iyo Bannaanbaxyada ka dhacay magaalada Garoowe, Wuxuuna Culimada Soomaaliyeed Waydiiyay “Xassan Sheekh ma lagu sifayn karaa Munaafaq” ? marka habdhaqankiisa la qiimeeyo iyo beenka uu Ummadd ku hogaaminayo.
Dr. Faroole ayaa sheegay in Xassan Sheekh oo loo Wakiishay inuu Ummadda Si Cadaalad ah u hogaamiyo,uu noqday Khaa’in dalka ku hogaamiyay Musuqmaasuq, Farole ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu ka leexday xilkii loo igmaday,wuxuu sheegay inuu sameeyay maamulo gacan ku rimis ah oo uu ku bixiyay dhaqaale,halka kuwo kalena uu ishortaagay,isaga oo doonaya in mar kale laso doorto.
Farole ayaa sheegay inaan meelna looga leexan karin wixii horay loogu heshiiyay,wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay faraha kala baxaan Soomaaliya ama ay si wannaagsan u taageeraan, Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beelaha daga Koonfurta Gaalkacyo illaa Muqdisho in ay iska hordhaqaajiyaan hogaamiyaha aan Ceelasha Diyaarada ku taga ee daawanaya dadka habeen iyo maalin lagu qarxinayo Muqdisho.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:36 and have
, Published at