daajis.com:- Deeq bixiyayaasha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’ankii ka soo baxay shirka wada-tashiga Soomaaliya ee shalay lugu soo gaba-gabeeyay Muqdisho,kaaso lugu go’aamiyay doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadkan.
War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa lugu sheegay inay soo dhaweynayaan xalka laga gaaray habka doorashada loo galo sanadka 2016-ka, waxeyna ku amaaneen dowladda Federalka Somalia inay raadisay sida ugu wanaagsan ee la isugu soo dhawaan karo dhinacyada si xal looga gaaro.
Waxaa ay ballan-qaadeen saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya qaadeen inay gacan ka geysan doonaan hirgelinta heshiiskan,si loo dardar-galiyo doorasho Soomaaliya ka dhacday bilo kaddib.
Wada-jir waxuu uga soo baxay war-saxaafadeedka lugu soo dhaweeyay go’aanka laga gaaray doorasho ka dhacda Soomaaliya,Qaramada Midoobay , Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Ethiopia, Qadar, Faransiiska, Talyaaniga, Sweden, Turkiga, Britain iyo Mareykanka,waxeyna dhamaantood taageero u muujinayaan talaabadan muhiimka ah ee Soomaalidu ay qaaday,sida lugu yiri qoraalka ka so baxay.

Soomaaliya ayaa mar kale waxaa lugu soo xuli doona xildhibaannada dooranaya dowladda cusub nidamka qabaliga ah ee 4.5,balse waxaa taas diidey Puntland oo sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka shirka ka soo baxay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:52 and have
, Published at