DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

daajis.com:- Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.

Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi la'aanta (Erectile dysfunction)
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale.

Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.

Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.

Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.

Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.

Inta aadan qaadan viagra kala tasho takhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.

Waxa aad u sheegeysid dhakhtarka waxaa ka mid ah:

  • -Dhiigkar
  • -Sonkorow
  • -Hawlgab wadne
  • -Xanuun beer
  • -Xanuun kelli
  • -Dhibaato dhiigbax
  • -Gaastiriko
  • -Indho caad
  • -Dhibaato xagga galmada


Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, jooji daawada dhakhtarne u waco ama isbitaalka aad.

Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.

Haddii aad qabto su'alo dheeraad ah soo weydii

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada