8 Arrimood Oo Cajiib Ah Halisna Ku Ah Jiritaan-ka Qoyska Iyo Heshiiska Lamaanaha.

8 Arrimood Oo Cajiib Ah Halisna Ku Ah Jiritaan-ka Qoyska Iyo Heshiiska Lamaanaha.

daajis.com:- Hoos Waxaa ku xusan sideed arimood oo kobciyemedia.com kuusoo gudbineyso kuwaasoo halis ku ah jiritaanka qoyska, hadaba akhriso oo ka feejignoow.

1. Bal-balaarinta ceebaha iyo qarinta wanaagga lamanayaasha qeybtood waxay arkaan oo kaliya lamanohooda ceebihiisa, waligoodna waxay caadaystaan inay bal-balaariyaan cebahaas, taasina waxay dilaysaa isjacaylkii iyo isusoo hilowgii lamaanahaas.

2.Isbar-bardhigid

Lamanayasha qeybtood waxay caado kadhigtaan inay lamanohooda lasiman ama ka hoos mariyaan asxbtooda iyo dadka kale, ama ay dhahaan hebel/hebla baa kaa fiican, ama sidaas buu reerkiisa ula dhaqmaa.

3.Waxkala qarsiga

Nolosha lamanaha kama marnaato dhibaatooyin, soo noqnoqoshada dhibatadaas, iyo joogsi la’aanteeda haddii aysan lamaanuhu kawada hadlin arintaas waxay dhalisaa in la is noco oo lakala dido, marka hadday dhibaato dhacdo waxaa wanagsan in lagu bilaabo wada hadal qabow.

4. Jees-jees iyo dareen dhaawac,

Kujees-jeeska, lagu jees-jeeso lamaanahaaga dhaqankiisa, ama muuqaalkiisa, ama sida uu ufekero waxay dhalisa dareen xumo iyo isnicid iyo inaan la isu hiloobin oo aanan la is jeclaan, Lamaanaha waxaa laga rabaa inay is ixtiraamaan, oo ay is tixgaliyaan.

5. Mashquulka badan

Lamaanaha midkood oo ka mashquula lamanihiisa kale guriga dhexdiisa, banaankiisa, asxaabta, shaqada iyo xananada caruurta iwm waxay lamaha kale dareensiisaa in uusan helin muhiimadii uu lahaa, marka waxaa muhiim ah inaad lamaanahaga siisid wakhti gaar idin ah.

6. Dhiiri galin la’aan iyo qiimeyn la’aan

Waxa dhacda in labada lamaane midwalba uu leyahay yoolal uu hiigsanayo, uuna ubaahanyahay wax taageera oo dhiirri galiya, fahan la’aanta uusan fahmin midkood midka kale inuu dhiirri galiyo, iyo inuu qiimeeyo baahidiisa, iyo inuu hankiisa hoos udhigo waxaa ay dhalisaa jeesjees, taasoo keenta in lakala caajiso, Waxaa lamaane walba looga bahanyahay inuu taageero, u howlgalo inuu lamaanihiisa kutaageero inuu ku guulaysto wuxuu hiigsanayo.

7. Masayrka badan,

Masayrka badan waxaa laga yaabaa inuu dumiyo jiritaanka xiriirka qoyska, oo noloshu kabaxdo daganaan oo ay isu bedesho shakki iyo walwal, waxayna dhalisaa su’aalaha shakiga, waxaana ku xiga male-xumo, natiijadiisuna tahay cadaawad iyo baqdin, waxaan qarsooma dhamaan calamadihii jacaylka iyo baahida, Lamaaha waxaa laga rabaa inaysan kabad-badin masayrka oo ay noqdaan kuwo anan ku xadgudbin masayrka, oo ay warka isu caddeeyaan, si ay uga fogaadaan shakiga.

8. Tashi la’aanta

Kaligii talisnimo katimaada xagga ninka iyo xaga gabadha waxay sababtaa in gurigu noqdo meel qofka kale uu san waxba kulahayn marka waxa loobahyahay in la tashto sida ALLE faray dadka Muslimiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada