Faadumo Cali Maxamed oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed oo ku dhaqan
magaalada Muqdisho ayaa Shabakada Shumis.net waxa ay uga sheekeeysay dhacdo
naxdin leh oo gabadhaasi qabsatay.
Waxaan rabnay inaan cod kasoo duubno laakiin sidii ay u oyneeysay
ayaanba aad loo garan karin waxa ay ku hadleeyso, waxaan rabnay sidoo kale
inaan sawiro kasoo qaadno hase ahaatee waxaan diidnay in muuqaalkeeda ay kasii
argagaxaan dadka yaqaano oo laga yaabo in Shumis.net ay ku taxan yihiin.
Faadumo ayaa waxay sheegtay in muddo ah inay wada socdeen wiil ay
magaciisa ku gaabisay Yuusuf Garuun kaas oo magaalada Muqdisho kula nool, waxa
ay sheegtay inay aad u jecleed balanna ay kala galeen laakiin isaga uu balantii
uga baxay.
Waxa ay sheegtay inay is mehersadeen (Nikaax), waxaana ay tilmaantay in
markii uu qabay muddo sanad ah islamarkaana uu si hoose isaga u qabay in iyada
uu uur kusoo baxay Laakiin waxa ay sheegtay markii ay uurkaasi qaaday inay
gacaliyaheeda ay u sheegtay laakiin gacaliyaheeda
uu ku amray inay ilmaha iska soo xaaqdo, balse waxay u sheegtay in ilmaha
caloosheeda ku jira uu xalaal yahay ayna rabto in uu aqal geeysto.
Balse arintaasi waxa ay sheegtay inuu ka biya diiday islamarkaana
meeshii ay joogtay uu ku furay una sheegay in ilmaha uusan aabo u ahayn ee
iyadu un uu ku kooban yahay
Reerkii markii ay arkeen Uurkaan wiilkiina uu ku inkiray gabadha waxa ay
istuseen inay tahay gabar meelaha kasoo qaaday Uurka, iyagoona guriga ka eryay
gabadhoodii “Dantiisa ayuu iga gaaray, caloosha ayuu ii buuxiyay, reerkiina wuu
igu diray, waxaan la noolahay hadda gabar saaxiibteey ah reerkeeda, waxaana
xaaladeeda la socda wiilal iyo gabdho aan iskuul isla dhiganeeynay oo Yurub
jira, iyaga ayaana isoo biila xaaladeeydana wey roon tahay, laakiin dhibkaan I
qabsaday ayaa maalin walba wal wal igu haayo, aabaheey ayaa guriga iga soo
eryay laakiin hooyadeey iyo gabadha iga yar wey i jecel yihiin si qarsoodi ah
ayeey iigu yimaadaan, canuga caloosheeyda ku jira ilaahay ayaa ila og waa
xalaal, laakiin dhib malahan oo ninkii sidaan i yeelay maalin aan maanta ahayn
ayuu abaalkiisa Alle ka helaayaa” Ayay Faadumo Cali Ku barooratay .
Intaasi ka dib waxaan usii adkeeysan weeynay inaan sii dhageeysano
hadalada gabadha oo calool ahaan aad noo jilciyay, laakiin waxaan wejigeeda ka
aqrisanay inay tahay gabar run sheegeeysa misane dhib weyn ku jirta.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:30 and have
, Published at