Muqdisho: Doowlada hoose oo bilaawday bixinta kaararka aqoonsiga

Muqdisho: Doowlada hoose oo bilaawday bixinta kaararka aqoonsiga

daajis.com:- Dowladda hoose ee Xamar ayaa bilaabaysa bixinta kaarka aqoonsiga Soomaalinimada ee loo yaqaan Teestara Munishiibiyo, oo la siin doono dadka degan magaalada caasimadda ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in adeegan uu yahay mid ka mid ah adeegyada looga baahan yahay dowladda hoose ee Xamar inay qabato.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay billaaban doonto bisha April ee foodda nagu soo haysaa.

Kaarka dadka la siinayo, ayuu guddoomiyuhu sheegay, inuu noqon doono mid aan dhicin weligiis, oo qofka qaataa mar aan looga baahneyn inuu dib u cusbooneysiiyo.

Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa shaaca ka qaaday in kaararka laga bixin doono degmooyinka, ayada oo marka hore lagu billlabi doono dhowr degmo, kadibna magaalada oo dhan la gaarsiin doono.
Magaalada Muqdisho

Weriyaheena Cabdulqaadir Maxmaed Cabdulle ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada