daajis.com:- Dhacdo aad u fool xun ayaa ka dhacday caawa salaadii cishaha, kadib markii kooxo ku hubeysan Bistooladoo ay dil fool xun ugu dhex geysteen gudaha masjidka Ummah ee ku yaal agagaarka Shineemo Puntland ee degmada Heliwaa.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Sade Mahad Dirir oo ku magac dheeraa “Cad-cad”, waxaana dhalay ganacsade caana oo lagu magacaabi jiray Mahad Mahad Dirir Guuleed oo guryo iyo xarumo ganacsi oo waaweyn ku lahaa degmada Heliwaa.
sade-mahad-dirirDad goobjoogeyaal ahaa markii falka naxdinta leh dhacay kadib sheegay in marxuunka la dilay ee Sade Mahad Dirir uu ku dhex jiray masjidka, xilligaasina uu akhrisanayay Kitaab Qur’aanka ah.
Dableyda dilka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana marki dambe gaaray ciidamada degmada Heliwaa ee booliska.
Marxuumka oo deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Caabudwaaq, ayaa waxaa uu xilligan ka mid ahaa ganacsatada degan Muqdisho, waxaana uu horay lacagta kirada kaga qaadi jiray dhismaha xaruntii KMG Maamulkii Muungaab uu ku lahaa Degmadaasi Heliwaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:06 and have
, Published at