Shantaan Qodob Dumarku Waa Ay Jeccel Yihiin In Ay Ka Maqlaan Ninkooda.

Shantaan Qodob Dumarku Waa Ay Jeccel Yihiin In Ay Ka Maqlaan Ninkooda.

daajis.com:-Hadii aad xiriir la leedahay gabar ama aad dooneyso inaad qalbiga lajecleydaada si sir ah ugu guuleysatid,waxaad u baahan tahay maskax aad ku hanato shaqsigaas qiimaha agtaada ka leh. 

Waxaad u baahan tahay inaad ogaato qaabka aad ula hadli karto iyada.

Ninka waa inuu ka taxadiraa culeyks ereyadiisa marka uu la macaamiloonaayo haweentiisa, Dumarka badankood waxey doorbidaan raga caaqilada ah,hadaladoodu dabacsan yihiin,islamarkaana ka taxadira.


Hadii aad ka mid tahay raga baadigoobka ugu jira hanashada gabar ay jecel yihiin,waxaan halkaan kugu soo bandhigeynaa talooyin aad raacdo.waxa keliya oo aad u baahan tahay inaad sameyso waa hadal diiran.

Waxaad ka dhigtay nolosha mid aad u wanaagsan : Haweeneyda waxey ugu qabsataa qalbigeeda si aad ah qorshaha guurkeeda.waxaaney ninkeeda ka rajeyneysaa inuu u sheego in nolosha ugu wanaagsan uu ku jiro maadaama ay iyada ku wehliso,damaanadqaadna ka siiyo mustaqbalka dhow.

Wey jeceshahay marka ninkeeda uu gacmaha qabsado,gaar ahaan xilliyada qaar.

Waxaada tahay waxa ugu fiican ee isoo maray: Usheeg xaaskaaga iney iyada tahay waxa ugu wanaagsan ee noloshaada ku soo kordhay. Ka dhig mid dareensan iney si gaar ah qaas kugu tahay,islamarkaana aad ku faraxsan tahay inaad iyada heysato.



Waad qurux badan tahay: Ninka qiimahalahow xusuusnow inuu jiro farqi u ekaanshaha qof qurxan iyo inuu qofku yahay mid qurux badan. 

U arag si ka baxsan muuqaalkeeda. Usheeg iney tahay mid qurux badan maadaama ay leedahay aragti dhiirigelin leh iyo qalbi cajiib ah.

Ma jiro cid kula mida adiga:Qofkaaga wey ogtahay inaad leeyahay dumar asaxaabtaada ah sida goobaha shaqada. 

Laakin xaqiiq ahaan waxey jeceshahay in loo sheego iney iyada ka duwan tahay dhamaan haweenka kale aad taqaano. Ka dhig mid dareensan iney tahay mid qiimo badan agtaada ka leh.

Aniga waxba ma ihi adiga la,aantaa: Labada lamaane waa kala wanaagsan yihiin oo waxaa xaqiiqo ah inaaney dhameystirneyn midba kan kale la,aantiis. U sheeg qaalidaada inaad tahay qof aan dhameystirneyn la,aanteed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada