Ugaar Ah Haweenka:- Ragga Tilmaamahaan Leh Waa Riyada Haween Waliba

Ugaar Ah Haweenka:- Ragga Tilmaamahaan Leh Waa Riyada Haween Waliba

daajis.com:-Shabakada daajis ayaa ku siineysa tilmaan ay aad haweeneyda uga raadiso ninka ay nolosha la wadaageyso hadaba talooyinkaan qaado .

* Tix Gilinta Ehelkeeda Iyo Asxaabteeda : haweeneyda aad ayay uga heshaa ninka tix giliya qoyskeeda iyo asxaabteeda .
* Ninka Dhageysta : Tix gilin weyn ayay siisaa ninka dhageysta dhibaatooyinkeeda isla markaana fahmaya .
* Oofinta : Ninka balan oofinta badan waa tillmaanta haweeney waliba ay raadineyso .

* Saraaxadda : sidoo kale ninka sida saraaxadda u hadla waxna ugu sheega waa ay adaga tahay in qalbigeeda ka xerato oo kalsooni ayay ku qabtaa.
* Aaabo Wanaagsan : aad ayuu u soo jiitaa ninka sida weyn uga ciyaara doorka aabo nimo.
* Romantic Iyo Akhlaaq Wanaagsan: waa tiir ka mid ah tiirarka uu qoyska ku tiirsan yahay , haddii Romantic iyo akhlaaq la isku helo lagama yaabo in shumaca jaceylka uu damo .


* Ninka Aragtida Fog : haweenka waxa ay aad uga helaan ninka leh aragtida fog kuna wanaagsan kaftanka balse aan aheyn mid waali oo ka bad badis ah .
* Aqoon Iyo Caqli Fog : waa tilmaan ay haweeneyda ka jecashahay in ay ka hesho qofka ay nolosha la wadaageyso .
* Taageerid: waxa ay haweeneyda raadineysaa oo dooneysa in ay ka hesho ninka ay nolosha la wadageyso taageero iyo qadarin maxaan yeelay waxa ay ku dareemeysaa xasilooni .

* Kalsooni Iyo Awood Shaqsiyadeed : Isku kalsoonaanta waxa ay qofka ka yeeshaa mid adag , waana tilmaan ay haweeneyda u xaqiijineysaa in ay awooddo in ay ku kalsoonaanyo ninkeeda iyo dhamaan go`aanadiisa .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada