daajis.com:- Bulshada ku nool magaalada Nairobi iyo ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa Subaxnimadii Khamiista waxay kusoo indha furteen wadooyinka waaweyn ee faras Magaalada Nairobi oo ay dhex yaacayaan Dameero la rumeysan yahay in Xisbiyada Mucaaradka Kenya kusoo buufiyeen “Tumechoka” oo micnaheedu yahay “waan daalnay”.
Eraygaani “Tumechoka” ayaa waxa uu kamid yahay Erayadii loo adeegsan jiray dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrada dalka ka jirtay ee la qabtay bishii tegtay ee November.
Arrintaani ayaa waxa ay Amagaag ku riday Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo Bulshada ku nool Magaalada Nairobi oo garan waayay halka Dameerada faraha badan laga soo fasaxay, waxa ayna tani qeyb ka noqoneysaa Ficilada ay Mucaaradka Uhuru Kenyatta ugu muujinayaan waxqabad la’aanta Dowladiisa.
Dhanka kale, Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe ku guuleystay in dameeradaasi oo aad u badnaa ay wadooyinka ka leexiyaan iyadoo lagu guray gaadiidka xamuulka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at