Xoolo laga dhoofiyay dalka Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

Xoolo laga dhoofiyay dalka Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

daajis.com:- Xoolo laga dhoofiyay dekedaha dalka Soomaaliya ayaa gaaray dalka Masar kadib markii heshiis ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Inkabadan labo kun oo neef oo geel ah ayaa gaaray dalka Masar iyagoo la geeyay kanaalka Suez maanta.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siid Xuseen Ciid ayaa u sheegay idaacada codka Maraykanka VOA in heshiis ay kala saxiixdeen labada dal bartamihii sanadkii hore kulan ka dhacay dalka Masar kadibna ay gaareen dalka Soomaaliya wafdi ka socda dowlada Masar.

“Waa markii ugu horeysay xoolo Soomaaliya laga dhoofiyo oo la geeyo dalka Masar taasina waxa ay ku timid heshiiskii ay labada dowladood gaareen,”ayuu yiri Siid Xuseen Ciid. Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay xoolaha dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay dekedii xoolaha ay ka soo degeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowlada Soomaaliya waxa uu beeniyay in xoolo dheddig dalka Soomaliya laga dhoofiyo ayna yihiin xoolaha la dhoofiyo xoolaha labka ah gaar ahaan kuwo la dhufaanay.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa suuqan cusub oo ay ka heleen dalka Masar waxa ka soo geli kara lacago adag oo dalka loogaga baahan yahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada