Daawo:- Mid ka Mid ah Odayaashii ka badbaaday Afduubkii Al-Shabaab oo afka furtay

Daawo:- Mid ka Mid ah Odayaashii ka badbaaday Afduubkii Al-Shabaab oo afka furtay

daajis.com:- Sida ay noo sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa Tuulo lagu Magacaabo Qarincadd waxaa laga Afduubtay ugu yaraan 9 Oday Dhaqameed oo ka mid ahaa Dadka Tuuladasi iyo hareeraheeda ku nool.


Afduubka Odayaasha ayaa waxaa geeystay Xarakada Al-shabab Dagaalameyaal ka tirsan.

Mid ka mid ah Odayaashii ka badbaaday Afduubka ayaa sheegay in Al-shabaab ay u yimaadeen Odayaasha oo Kulan Duco ah ku lahaa Degaan islamarkaana ilaa 9 Oday laga kaxaystay.

Odayga nala hadlay ayaa intaa ku daray inuu Naftiisa la baxsaday,waxaana Waxgaradka la watay ay u badan yihiin Odayaal da’ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odayaasha lala aaday dhanka Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan oo hadda Caasimad looga dhigay Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Wali lama Oga Sababta Al-shabaab ay Odayaasha u Afduubteen,balse ma Cusba in Xarakada Al-shabaab ay Dad rayid ah qafaashaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada