Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay raggii ka danbeeyay qaraxyadii Baydhabo

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay raggii ka danbeeyay qaraxyadii Baydhabo

daajis.com:- Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan qof  oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka afarta kale ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxyadii 28-kii Febraayo ka dhacay magaalada Beydhabo ee dadka badan ku dhinteen.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali yarrow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in shanta qof ee falka dilka ah lagu riday uu mid ka mid ah ahaa askari qof rayid ah dil u geystay iyo afar qof oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ku lug lahaa qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Baydhabo.

Sidoo kale maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay xukun saddex sano ah ku riday qof kale oo isna soo abaabulay qaraxii Baydhabo ka dhacay, sida uu ku soo waramay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay, Siraaji Sheekh Isxaaq.

28-kii Febraayo ayay ahayd markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydho ee xarunta gobolka Baay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada