daajis.com:-Waxaa jira arimo badan oo ninka ka yeelaya mid ka carara lamaantiisa isla markaana keeneysa in uu yaraado jaceylka uu u qabo , waxaa muhiim ah in haweeneyda ogaato sida ay ku kasban karto ninkeeda .
Gabaryaheey halka aad iska fogeyn laheyd waxaad xoogga saartaa in aad ka yeesho mid u sii xiisaya aragtidaada isla markaana jaceylka uu kuu qabo noqonayo mid maalin waliba cuseyb ah.
Wax yaabaha ugu daran ee ninka ku keeni kara in uu ku naco waxaa ka mid ah : in aad la bar bar dhigto rag kale , in aad ku balwad ka dhigatid oo aad ku waalan tahay soo adeegashada oo xittaa wax aadan u baahneyn soo adeegashadooda adiga oo aan fiirineyn awoodda ninkaada.
In dadka hortooda gaar ahaan ehelka in aad ku hor weydiisato waxa uusan awoodin , in aadan nadaafadda ku fiicneyn, in uu guriga imaanayo adiga oo maqan , in aad ganuunac badan tahay iyo shaki , sidoo kale aadan ixtiraameyn ninkaada oo aad u carab dheeratahay , ogoow arimaha ayay sii cakiranayaan .
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at