daajis.com:- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas, Maxamed Aadan Axmed ayaa ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaayo howlgal ka dhan ah ururka mayalka adag ee Al-Shabaab.
Howlgalkaan oo todobaadkii hore ka bilowday gobolka Sh/Dhexe, ayaa ujeedadiisa tahay sidii guud ahaan gobolka looga saari lahaa maliishiyada AL-Shabaab.ciidan-xoogga-dalka-sh-dhexe-1
Maalintii Axada shalay aheyd ayaa kooxda Al-Shabaab, weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada Ruunirgood iyo tuulooyinka ku dhow, iyagoo ka dilay 22 askari oo ciidamada xoogga ka tirsan, agab ciidana ka qabsaday.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in Al-Shabaab si deg deg ah looga saaro guud ahaan gobalka Shabeellaha Dhexe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at