Daawo yaab: Madaxwaynaha maamulkii Galgaduud sare oo la dhaariyey (Video)

Daawo yaab: Madaxwaynaha maamulkii Galgaduud sare oo la dhaariyey (Video)

daajis.com:-  Magaalada Caabdudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay Munaasibad lagu dhaarinayey Madaxwayne dhowaan deegaankaasi lagu doortay, Kaasi oo la sheegay inuu Hogaamin doono Maamulka Galgaduud Sare, oo ka madax banaan Galmudug.


Madaxwaynahan ayaa wuxuu horay usheegay inaanu Maamulkiisu, Aqoonsi ka rabin dawlada dhexe ee Soomaaliya, Isagoo taasi badalkeeda garab waydiistay Maamulada Puntland, Jubaland iyo maamulka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Galmudug ayaa maamulka looga dhowaaqay magaalada Caabduwaaq ku sheegay mid Riyo ah, waxaana Xusid mudan in magaalada dhuusa-mareeb iyo deegaano ka tirsan galmudug uu gacanta ku hayo maamulka Ahlu-suna oo ka madax banaan Galmudug, waxayna arintaan qayb ka noqonaysaa Culaysyada Siyaasadeed ee Horyaala Galmudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada