Guur Doonka:- Talo wanaagsan oo ku socoto Gabadhaha guur doonka ah (Yaad Guursaneysaa )

Guur Doonka:- Talo wanaagsan oo ku socoto Gabadhaha guur doonka ah (Yaad Guursaneysaa )

daajis.com:- Guurka waa shayga ugu qaalisan ee soo mara qofka waana waxa ugu macaanta badan nolashaan aan aduunka korkiisa ku heysano lakiin waa markii uu guurkaada noqdo mid guuleysta , hadaba gabaryahay haddii aad guur doon tahay waxaan kuu hayaa talooyin wanaagsan oo ku aadan qofka aad nolasha la wadaagi lahayd .
haddii aad aragto qofka aad lamaanaha ka dhiganee oo been kuu sheegayo waxaad ogaataa in aad ruxaas ku ajarantahay oo uusan kuu qalmin isla markaana wax jaceyl ah kuu heynin .

Ruux aan salaada tukan : ruuxii aan dhowrin isla markaana kasoo bixin waajibaadkii rabigii abuuray ee ku manaystay xubnaha quruxda badan ee jirkiisa miyaad ka sugeysaa in uu kasoo dhalaalo xaqa aad ku leedahay iyo xiriirinta ehelkaaga waxaan si fudud kuu leeyahay ruux xiriirkii alle jaray wax wanaag ah kama heli kartid ee iska ilaw jaceylkiisa lugooyada ah .

Bakhiil Gacan adag : waxaad aad uga taxadartaa qofka bulshada ku tilmaamto bakhiilka waayo haddii aad adiga u adkeysato oo aad ugu samirto wax yare e uu alle kaaga soo qaado waxa uu kugu dhax cebeyn doonaa bulshada dhaxdeeda iyo dadka kuu soo martiya .

Balan Laawe Ka Fogow : ruuxa balamaha kaaga baxo inta aadan is guursan waxaa xaqiiqo ah in ay adkaan doonto si aad u wada noolaataan waayo markii uu ku guursado waxa uu iska dhaadhicin doonaa in uu ku helay oo uu isaga kuu leeyahay xilna iskama saari doono balamaha uu kaa qaado .

Gabaryahay guurka waxa uu u baahanyahay ka fiirsi farabadan waayo waa go’aanka nolasha ugu qaalisan ee qofka bini aadamka ah gaaro si gaar ah dumarka guurkooda kowaad waxa ay ku wayaan gabarnimadooda habadaba isku day in aad meel kugu haboon aad dagto .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada