U Gaar Ah Dumarka: Qaab Sir Ah Oo Aad Ninkaaga Ku Bari Karto Inuu Kuugu Raaxeeyo Sidaa Rabto

U Gaar Ah Dumarka: Qaab Sir Ah Oo Aad Ninkaaga Ku Bari Karto Inuu Kuugu Raaxeeyo Sidaa Rabto

daajis.com:-Banii aadamku waxa uu markasta u baahan yahay in uu wax ka barto si uu horunar uga gaaro arimo badan oo khuseeya noloshiisa. Marka ay tahay xiriirka ka dhexeeya lamaanahya ayaa waxa uu u baahan yahay in markasta hore loo mariyo.

Mar hadii ay fududayn in aad u sheegtid ninkaaga sida aad doonayso in uu kuugu raaxeeyo, ayna adag tahay in la iskala hadlo sidii aqoon ku saabsan galmada loo wada baran lahaa ayaa waxaa newbanaadir.com maqaalkaan ugu tala in aad u sheegtaan nimankiina si ay u akhristaan. Waana maqaal aad u anfacaya jacaylkiina iyo ragiinaba.
  
Shumiska iyo salaaxa: Marka ugu horeysa in natiijo fiican laga gaadho qolka sariirtra ayaa waxa muhiim ah la isla soo galo ayada oo aad loo soo kulalaaday. dhunkashada iyo salaaxa)ma aha in ay noqoto mid marka sariirta kor keeda oo kaliya la isku arko la sameeyo. Laakiin waa in ay ahaato mid tusaale ahaa la sameeyo subaxdii marka la kala tagayo oo shaqo iyo arimo kale la aadayo. Taas oo xaaskaaga ku bilaabaysa in ay ayada oo dareen kuu qabta shaqadeeda aado.

Faa’idada ku jirta dareenka aad ku tustay shumiska iyo salaaxida ayaa waxa ay kuu arkaysaa in aad tahay mid markasta xaaskaaga raba oo jecel. Halkaasna waxa aad ka arkaysaa natiijada ka soo bixi doonta.

Dareenka dumarka: Jirka haweenka waxa uu leeyahay meelo aad u dareen badan, laakiin nasiib daro lama ay soo dhalan haweenku buug ay ku qoran yihiin meelahaasi. Markaa waxa haboon in aad baadhitaan ku samaysid si aad u hesho meelaha xaaskaagu ka leedahay dareenka badan. Sida ay u muujiso dareen ayaad ka fahmaysaa in ay ku raaxaysanayso. Markaas ayaa waxa aad ogaanasysaa in aad wado fiican cagta saartay. Qalabka aad adeegsanaysaana si aad u hesho meelahaa aad raadinayso ee dareenka badanina waa dibnahaaga, carabkaaga, farahaaga iyo gacmahaaga.

Bedbedel noocyada galmada: Galmo kala duwan oo noocyo badan leh waxa ay keentaa raaxo badan, laakiin galmo hal nooc oo kali ahi waxa ay keentaa xiiso jab. Mararka qaar waxa fiican in saacado la wada raaxaysto halka mararka qaarna mid gaaban oo deg deg ahi xiixo badan leedahay.

Waqtiga aad joojinayso galmada: Waa in aad joojisaa marka ay dhamaato, ragga qaar ayaa waxa ay u maleeyaan sii wadida galmadu mark ay dhamaatay in ay tahay mid fiican. Dhab ahaantii waxa ay rabtaa xaasku in aad sii wadid galmada in ay ka biyo baxayso, ka dibna jooji.

Natiijada aad ka helaysaana waa adiga oo ogaanaya in mararka qaar uu qofku hore u biyo bixi karo mararka qaarna uu waqti qaato.

Raaxada  galmada kadib: Mahadsanid macaan. Si kasta oo aad u daasheen ayaa waxa muhiim ah galmada ka dib in aad ahaataan kuwa isu sii raaxaynaya.

Cilmi baaris ay sameeyeen khubarada newbanaadir.com  ayaa waxa lagu ogaaday in raga qaar hurdo qabato galmada kadib. Hadaba libaax si aanad u seexan markasta oo aad xaajiyada sariirta isla aadaan waa in aad kula la raaxaysataa xaaska xiliyo kale duwan.

Natiijada raaxada bacda galmada ayaa ah jacaylkiina oo aad u sii xididaysanaya iyo waqti macaan oo aad isla qaadanaysaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada