daajis.com:- Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka mid ahayd suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka oo ay shalay caasimadda Muqdisho ku dileen dhagar qabayaal ku hubaysan bistoolado oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Aaska marxuumad Sagal Salaad Cismaan ayaa waxa uu ka dhacay isbitaalka Madiina, waxaana aaska ka soo qayb galay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ehelada marxuumadda, iyo Saaxiibadee qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Plasma iyo suxufiin kale oo badan.
Maxamed Ibraahim Macalimuu Xoghayaha guud ee NUSOJ oo ka hadlay goobta aaska ayaa Alle uga baryay in uu janada Fardowsa ka waraabiyo, isagoona dowladda ka codsaday inay cadaaladda la tiigsadaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:00 and have
