DAAWO Kalsan Tv: Falanqayn dagaalka PUNTLAND iyo Soomaliland ee Sanaag, Arimo yaab leh oo laga sheegay

DAAWO Kalsan Tv: Falanqayn dagaalka PUNTLAND iyo Soomaliland ee Sanaag, Arimo yaab leh oo laga sheegay

daajis.com:- Waxaanu Halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Kooban oo Tv-ga Kalsan oo kaga hadlay Xaalada dagaal ee Gobolka Sanaag iyo sida ay wax uga dhaceen,  waxaa su’aalo lagu waydiiyey Aqoon yahay C.laahi Gaani oo siwayn ula socday xaalada Deegaankaasi, Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ku jirto dagaal Sokeeye oo marba Meel ka qarxa, Wuxuuna sheegay in nin Gobol degan uu doonayo inuu gobolkii kale sheegto.


Waxaa la sheegay in Ciidanka Somaliland intii ay deegaan ay kusoo duuleen oo dadkii Barakeen, ay hadana doonayaan in laga Codeeyo, Wuxuuna Xusay maamulada Puntland iyo Somaliland ay ku loolamayaan deegaanada, Sidoo kalana waxaa laga hadlay Halista ay leedahay Diiwan gelinta la samaynayo.

Ugu danbayntii maamulka Puntland ayaa waxaa loogu baaqay inay deegaanka Sheegashadiisa iska dayso ama ay Difaacdo, Waxaana sidoo kale lasoo Bandhigay Dhaqaalaha Lagu soo qaato deegaanada Khaatumo iyo Maakhir, Iyadoo la sheegay inay Sool iyo Sanaag noqdeen Mashruuc.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada