daajis.com:- Garsooraha Talyaaniga Nicola Rizzoli ayaa garsoori doona kulanka wareega afar dhamaadka ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016 ee u dhaxeeya xulalka France iyo Germany.
Xulka Talyaaniga ayaa waxaa wareega 8da ku reebay xulka Jarmalka, taasoo la micno ah in garsooraha horyaalka Serie A inuu qaban karo kulamada semi-finalka.
Rizzoli ayaa hore tababare uga soo noqday kulankii England-Russia iyo sidoo kale kulankii Portugal-Austria, waxaana uu ahaa ninkii qabtay finalka Koobkii Adduunka ee 2014.
Kulanka kale ee semi-finalka ee u dhaxeeya xulalka Portugal iyo Wales waxaa dhexdhexaadin doona garsooraha Jarmalka Felix Brych.
Kulamada wareega afar dhamaadka waxa ay bilaabanayaan maalinta arbacada ee 6da bisha July iyadoo ay maalintaas ciyaari doonaan Wales iyo Portugal, halka maalinta ku xigta ee khamiista ay dheeli doonaan xulalka Germany iyo France.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:19 and have

