daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya Cabdi Salaan Cumar Hadliye ayaa Warqadihii Aqoonsiga kala Wareegay Safiirkii Doowladda Mareeykanku ay u soo Magacaawday Soomaaliya Stephen M. Schwartz kulan manta Ka dhacay Magaaladda Muqdisho, Sida uu Baahiyay Wargeys Kasoo baxa Mareeykanka oo lagu Magacaabbo EIN news.
Warqadahaan uu la wareegay Wasiir Hadliye ayaa Caddeeynaya in MR Schwartz uu yahay Safiirka Rasmiga ah ee Doowladda Mareeykanka u Fariisanaya Soomaalia, waxanna ku Saxiixan Madaxweeynaha Mareykanaka EIN news.
Intii uu shirku Socday ayuu Safiirka Mareeykanka Mr. Stephen M. Schwartz sheegay in Magacaabidiisu ay ka dhigan tahay Adkeeynta Xiriirka Soomalia iyo Mareeykanka.
Mr Schwartz waxaa uu intaas ku Daray in uu Kaqeeyb qaadan Doono Dib udhiska, Adkeeynta Amaanka, Maamul wanaagga iyo Kobcinta Dhaqaalaha islamarkaanna uu Doowladda Soomaliya Ka caawi Doono Hirgalinta iyo Adkeeynta Democratic-yadda.
Safiirka Cusub ee Mareeykanka ayaa noqonaya Safiirkii ugu Horreeyaya ee Doowladda Mareeykanku aay u soo Magacaawdo Soomaalia Tan iyo 1991 kii xilligaas oo aay Bur-burtay Doowladii DDhexe ee Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have

