daajis.com:- Magaalooyinka Istanbuul iyo Ankara ayaa waxaa lagu arkayaa goobo si gaar ah loogu soo bandhigay muuqaalo Kartoon ah oo laga sameeyay wadaadka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Fathulleh Gulen ee ku eedeysan Afganbigii ka dhacay dalka Turkiga.
Sawirada Kartoonka ah ee laga sameeyay Mr Fathulleh Gulen ayaa waxaa qoorta kaga xiran xarig aad u dheer kaasi oo loola gol leeyahay wadaadka oo ku dhacay xukun daldalaad ah.
Goobaha lagu soo bandhigay Sawirada ayaa waxa ay noqotay goobo loo booqasho tago misna lagu galo sawirro lagu bahdilaayo wadaadka Fathulleh Gulen.
Sawiradaani oo u muuqaal eg kuwo lagu bahdilaayo Fathulleh Gulen ayaa waxaa loo muuqaal ekeysiiyay sida dowlada Turkiga ay u xukmin laheyd, haddii Fathulleh Gulen uu usoo gacan galo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:03 and have


