daajis.com:- Ilhaan Cumar ayaa guul taariikhi ah ka gaartay tartankii ka socday xaafada 60B ee kursiga xildhibaanka Barlamaanka Ismaamulka Minnessota ee dalka Maraykanka, waxayna ka guulaysatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed ,kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.
Ilhaan Cumar mar ay la hadlaysay taageerayasheeda ayaa sheegtay in ay u mahad celinayso cid walba oo ka qayb-qaadatay guushan oo ay ku sheegtay in ay tahay taariikh cusub. Waa markii ugu horeysay oo gabar Soomaali ah ama Muslimad ah oo Afrika kasoo jeeda ay xilkan qabato.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:30 and have
