Jaad maanta ka degay Garoonka Cabdullahi Yuusuf ee Gaalkacyo

Jaad maanta ka degay Garoonka Cabdullahi Yuusuf ee Gaalkacyo

daajis.com:- Qaadkaan ayaa la sheegay in laga keenay dalka Kenya, islamarkaana Diyaarada ay ka degtay Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Shalay deeganada Puntland kama aysan degin Diyaarad qaad sida oo ka timid dalka Kenya, waxaana qaadka uu kaga imaanaayay Magaalada Laascaanood oo gaadiid yar yar looga soo qaadaayay.

Dadka ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta Magaalada laga dareemaayo saxmada qaadka, maadaama shalay wax qaad ah uusan oolin Magaalada Gaalkacyo.


Ganacsato badan oo qaadka ka ganacsata ayaa gaadiid yar yar ku qaaday qaadka waxa ayna geynayaan deeganada ku xeeran Magaalada Gaalkacyo si lacago macaash ah uga helaan iibinta Qaadka.
Dowladda Somaliya ayaa labo maalin ka hor guud ahaan dalka waxa ay ka mamnuucday ka ganacsiga qaadka laga keeno dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada