Video: Sheekh Shariif “Bad la iibiyey Iyo Bad la bixiyey midna ma jirto”

Video: Sheekh Shariif “Bad la iibiyey Iyo Bad la bixiyey midna ma jirto”

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka iska fogeeyay inuu wax ka ogaa heshiiskii is fahamka BADDA ee ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya sanadkii 2009-kii, Wuxuuna ugu horeyn sheegay in aanay jirin Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay midna, isagoo xusay in arrintaas oo dhan la siyaasadeeyay, isla markaana lagu soo aadiyay markii uu dalka ku soo laabanayay sida uu yiri.


Waxaa uu sheegay in heshiiskii is fahamkaa uu Soomaalida xaq u siinayo qadiyadeeda in dacwada lagu wareejiyo Maxkamadda Hague, isagoo xusay inay ku jirto fursad ah in Maxkamadda aqbasho dacwada labada dowladood, maadaama ay ku heshiiyeen inay arrinta badda ka wada hadlaan, isagoo intaa ku daray arrinta badda inay soo bilaabatay sanadkii 2005-tii, balse aanay aheyn 2009-kii.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada