Daawo:- Iker Casillas Oo Ku Soo Darsaday Gianluigi Buffon Liiskiisa Shanta Goolhaye Ee Ugu Fiicnaa Abid.

Daawo:- Iker Casillas Oo Ku Soo Darsaday Gianluigi Buffon Liiskiisa Shanta Goolhaye Ee Ugu Fiicnaa Abid.

daajis.com:- Iker Casillas ayaa ka mid ah goolhayayaasha ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda kubada cagta.

Goolhayihii hore ee Real Madrid ayaa maqaam halyeeynimo ka helay kubada cagta isagoo ku guuleystay shan La Liga, seddex Champions League, Koob Adduun iyo labo koob oo Qaramada Yurub ah.

Haatan waxa uu joogaa kooxda FC Porto ka dib markii uu ka tagay kooxdii uu ku soo barbaaray ee uu magac ku sameystay ee Real Madrid.

Hadaba muuqaal cusub oo laga baahiyay kabtankii hore ee Real Madrid ayaa waxa uu kaga hadlayaa shantii goolhaye ee ugu fiicneyd dunida, waxaana si lama filaana ah ugu jira goolhayihii hore ee Barcelona Victor Valdes.

Shanta Goolhaye Ee Ugu Fiican Ee Uu Soo Doortay Iker Casillas waxa ay kala yihiin:

1. Peter Schmeichel

2. Luis Arconada

3. Gianluigi Buffon

4. Oliver Kahn

5. Victor Valdes

Dadka qaar ayaana la yaabi kara in Victor Valdes uu ku jiro liiskaas gaar ahaan iyadoo ay ka maqan yihiin Lev Yashin, Edwin van der Sar iyo Gordon Banks.

Laakiin Casillas ayaa isagoo ka hadlayay goolhayihii hore ee Barcelona waxa uu yiri: “Valdes qeyb libaax leh ayuu ku qaatay koox sida Barcelona ah, wax walba uu kabsadayna waa wax aad u weyn.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada