daajis.com:- Waxa ay faah faahino horlehi ka soo baxayaan weerar nooc cusub ah oo xalay lagu qaday hoyga uu gudoomiyaha degmeda Mandhare ka deganyahay deegaankaasi.
Rag la sheegay inay soo xirteen dharka dumarka ( xijaab ), ayaa xalay waxa ay weerar aan la filayn ku qaadeen hoyga gudoomiyaha degmada Mandhera ee gobolka woqooyi bari Kenya.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo isku soo qariyey dharka dumarka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen hoyga gudoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ilaalada gudoomiyaha iyo kooxaha weerarka soo qaaday ay dhexmartay israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh.
Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku naf waayey rasaasta la isweydaarsanayey kaasoo la sheegay inuu waardiye ka ahaa iskool hoose dhexe oo goobtaas ka dhow, waxaana haleeshay rasaas habow ah.
Ragii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada Gudoomiyaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:16 and have
