daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Maamulka cusub ee Hirshabelle u arka mid u dhashay walaal madi ah, oo uu kala jeedo Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo Shalay ka hadlaayay Magaalada Jowhar, ayaa yiri “Maah maah Somaliyeedoo jirtoo oraneysa inuu walaal macaan yahay ninkii madi helo. Waxaan u maleynayaa dulucda maah maahdaas iyo waxaan uga dan leeyahay fasiraad uma baahna.”
Madaxweynaha, ayaa sheegay in guud ahaan Somaliya meel ka bannaanyd inuu buuxinayo Maamulka Hirshabelle, gaar ahaan Galmudug. “Waxaan aaminsanahy guud ahaan Somaliya meel ka bannaanayd inuu Maamulkan buuxinayo, si gaar ahna reer Galmudug meel ka bannaanayd inuu buuxinayo ayaan aaminsanahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
C/kariin Xuseen Guuleed oo muujiyay in uu ku faraxsan yahay ka qaybgalka doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa ee Hirshabelle, ayaa ugu yeeray in ay ku soo dhawaadan ka mid noqoshadooda Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:02 and have

