daajis.com:- Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay baareyso wararka iskhilaafsan ee ka soo baxaya weerarkii waxyeelada badan ka dhalatay ee lagu qaaday duleedka magaalada Gaalkacyo.
Xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka Ash Carter oo ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hawaii ayaa sheegay in sida caadiga ah ay baaritaan ku sameyn doonaan maadaama warar iskhilaafsan ay ka soo baxeen weerarka ka dhacay dalka Soomaaliya.
Carter ayaa sheegay in Maraykanka uusan si gaar ah weli u eegin duqeyntan balse uu la wadaagi doono natiijada ka soo baxda marka la dhamaystiro baaritaanka.
Carter ayaa intaa sii raaciyay in Maraykanka ay ka go’an tahay in uu fuliyo mabaadii’da furfurnaanta,isla xisaabtanka iyo cadeynta wax walba.
“Arrintan waxa ay ka tarjumeysaa in si dhab ah qaladaadka waqtiga dhaca aan kula xisaabtano cidda sameysa marka uu qaladku dhaco.”ayuu sii raaciyay Carter.
Dowlada Soomaaliya ayaa ka dalabtay Maraykanka in uu ka bixiyo sharaxaad duqeynta ay dowlada Soomaaliya ku sheegtay in lagu diley 13 askari oo ka mid ah ciidamada maamul goboleedka Galmudug.
Wasaarada Gaashaandhigga Pentagon ayaa sheegay Khamiistii in duqeyn ay isku difaacayeen ay ku qaadeen deegaan u dhow magaalada Gaalkacyo aynu ku dileen ugu yaraan sagaal ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Maraykanka ay marin habaabiyeen maamul goboleedka Puntland.
Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa banaanbaxyo ay dhigeen Khamiistii aynu ka soo gudubnay waxa ay ku gubeen calanka Maraykanka.

Maraykanka ayaa hore duqeyn badan ka geystey dalka Soomaaliya isagoo bartilmaameedsanaya xubno ka mid ah ALshabaab,waxaana ka mid ah duqeyntaas mid lagu dile hogaamiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane sanadkii 2014.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:27 and have
