daajis.com:- Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xalay kordhisay waqtiga Cunaqabataynta dhanka Hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa Hayada UN-Monetoring Group oo dabagasha cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana la gaarsiiyay ilaa 15 November sanadka 2017.
Sidoo kale golaha amaanka ayaa kordhiyay waqtiga Hayada UN Monitoring Group ay sii shaqeyneyso waxaana la gaarsiiyay 15 December 2017, waxaana ay sii wadi doonaan howlaha loo xirsaaray ee ah la soco shada hubka soo gala dalalka Soomaaliya iyo Ereterea.
Golaha ayaa dalbaday in hayada lagala shaqeeyo howlaha ay qabanayaan, waxaana laga dalbaday Ciidamada AMISOM iney si dhow ula shaqeyaan hayadaasi UN-Monitoring.
Golaha ayaa waxa ay kordhita cunaqabatayntani ku fasireen, musuq maasuqa dhanka hubka ee ka jira dalka Soomaaliya, dhawaana ayay ahayd markii hay’adda Monitoring Groep ay soo bandhigtay xogag muujinaya in hub ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay lagu arkay iyadoo lagu kala iibsanayo suuqa madow ee magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at