daajis.com:- Tartanka Kubada Kolayga Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa ka furmay Garoowe, Waxaana Siwayn uga hor yimid Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Culimada ku dhaqan magaalada Garowe oo tartankaas ku tilmaamay mid Macsi ah.
Balse, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ee Puntland oo ka Qayb galay Furitaanka Tartanka Gabdhaha ayaa arrintaas si adag uga hadlay, wuxuuna hadalka culimada kasoo qaaday waxba kama jiraan iyo mid aan loo baahnayn, isagoo culimada ku eedeeyay inaysan ka hadlin falalka xagjiriinta.
“Waxaan aad uga xumahay oo maanta ka dhagaystay Idaacadaha wadaad ka hadlaya Xamar oo ka hadlayay tartanka gabdhaha. Waxaan leeyahay halkan Puntland baa xukunta, Puntland baana cayaartan dhigtay si amni iyo farxad ah bayna ku dhammaanayaan.. Hadaad ku jirto hotel Jazeera oo aadan meelna uga bixi karin, dalkiina dhibaato kasocoto adeer maad ka hadashid dilka Al Shabaab, Daacish iyo dhibaatada waddanka kasocota intaad ku mashquulayso gabar cayaaraysa,”Ayuu yiri Cumar Faraweyne.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu ka digay in tafaaruq la kala galiyo umadda Soomaliyeed iyo rajada laga qabo in dib loo midoobo, wuxuuna shacabka ugu baaqay in midnimada laga shaqeeyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at