daajis.com:- Diyaarad ay leeyihiin ciidanka Millateriga ee dalka Ruushka, ayaa la waayay, kadib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Wasaarada Difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay Diyaaradan oo Namberkeeda ahaa Tu-154 ay saarnaayeen dad gaaraya 91 ruux oo isugu jira Saraakiil ciidan, Fanaaniin, Wariyeyaal.
Diyaarada ayaa qadkeeda la waayay, 20-daqiiqo uun kadib, markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Sochi.
Igor Konashenkov, oo ah Afhayeenka Wasaarada Difaacaa dalka Ruushka, ayaa sheegay diyaarada ay la socdeen Koox Baambeey ah oo ujeedkooda uu ahaa inay dalka Syria ugala qaybgalaan ciidanka Ruushka ee halkaasi ku sugan xuska sanadka cusub.
Waxaa hada socda Baaritaano lagu baadigoobyo raadeerka diyaarada, iyadoo ilaa hada aysan kala cadeyn, waxa diyaaradaasi ku dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at