Japan: 44 bilyan oo doolar ayaan u adeegsan doonaa gaashaandhigga

Japan: 44 bilyan oo doolar ayaan u adeegsan doonaa gaashaandhigga

daajis.com:- Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sixiixay miisaaniyaddii ugu badnayd abid ee dhanka gaashaandhigga loo adeegsanayo, iyadoo ay jiraan muranka dhanka xadka ah ee Shiinaha kala dhexeeya iyo halista kale ee Nukliyeerka iyo gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Kharashaadk loo adeegsanayo diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee quusa ayaa qayb ka ah kordhinta lagu samaynayo miisaaniyadda.

Miisaaniyadda gaashaandhigga loo kordhiyay ayaa ah 1.4 taas oo ka dhigaysa 43.6 bilyan oo doolar.

Miisaaniyadda ku baxda ilaalada xeebaha ayaa si gaar ah iyadana loo kordhin doonaa.
Miisaaniyadan in ay dhaqan gasho waxay wali ansixin uga baahan tahay baarlaamnka, haddii ay meelmariyaanna waxay noqon doontaa markii shanaad ee xiriir ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada