Madaxwayne Donald Trump oo Jabiyay siyaasadda Mareykanka kaddib markii uu Toos ula hadlay Taiwan (MUUQAAL)

Madaxwayne Donald Trump oo Jabiyay siyaasadda Mareykanka kaddib markii uu Toos ula hadlay Taiwan (MUUQAAL)

daajis.com:- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa jabiyay siyaasad Mareykanka u degsaneyd tobannaan sano kaddib markii uu la hadlay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, iyadoo ay taasi horseedi karto khilaaf ballaaran oo diblumaasiyadeed oo uu Shiinaha la galo.


Kooxdiisa ku howlan sida ay xilka ula wareegi lahaayeen ayaa sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dhaw ee dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Taiwan.

Mr Trump ayaa markii dambe waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in uu soo wacay Madaxweyne Tsai Ing-wen.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan inay qeyb ka tahay dhulkiisa, tallaabakasta oo uu Mareykanka dhankaa u qaadana waxaa loo arki karaa inuu taageero u fidinayo madaxbanaanida Taiwan, taasi oo si weyn uga xumaan doonto Beijing.

Wadahadalka dhex maray Madaxweynaha la doortay Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hogaamiyayaal ajnabi ah.

Hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaa ay wax lug ah ku laheyd wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.

Mareykanka ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sanadkii 1979 oo ku dhawaad 40 sano waxa uu qaatay waxa loogu yeero siyaasadda ‘Shiine hal qura ah’ – iyagoo Beijing u aqoonsaday inay tahay dowladda kaliya ee uu Shiinuhu leeyahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada