Dagaalyahanadda Al Shabaab oo Markale Weerar Gaadmo ah ku Soo Qaaday Degmeda Afgooye

Dagaalyahanadda Al Shabaab oo Markale Weerar Gaadmo ah ku Soo Qaaday Degmeda Afgooye

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa ka soo baxaya dagaalo xoogan oo galabta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ay Galabta Dagaal xoogan ku soo qaadeen degmeda Afgooye, ayna xaaladda degmeda caawa tahay mid la’isku hor fadhiyo.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay weli ku sugan yihiin Xaafadaha Godey iyo Baal-Guri oo ka tirsan Degmada Afgooye ayna caawa halkaasi ku sugan yihiin, oo ay ku Qorax dhacsadeen.

Dad Goobjoogeyaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dadku ay Cabsi ka qabaan in caawa Degmada Afgooye uu dagaal ka dhaco.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo is garabsanaya ayaa iyaguna ku sugan qayb kamid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose.
Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada