DAAWO: Dareenkii Shacabkii ku midoobay Mareykanka oo Hurdo la’aan ku riday Donald Trump

DAAWO: Dareenkii Shacabkii ku midoobay Mareykanka oo Hurdo la’aan ku riday Donald Trump

daajis.com:- Boqolaal dad ah ayaa kasoo dagay dalka Mareykanka kadib markii maxkamada racfaanka dalkaas ay xakuntay in la joojiyay amarkii madaxweynaha Mareykanka uu dalka iney soo galaan kaga mamnuucay dadka kasoo jeeda dalal badan oo Muslim ah

Dadkan oo ay kamid yihiin Soomaali ayaa farxad aan caadi aheyn dareemayay kadib markii ay qoysas mudo kala maqnaa is-heleen

Dadkaas waxaa kamid ahaa  Eman Ali oo aheyd 12 sano jir iyo aabaheed Ahmed, kuwaas oo axadii kasoo dagtay San Francisco International Airport, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen walaashiis ka weyn iyo qaar kale oo qoyskiisa ah.
Waa ay carartay si ay laabta ugaliso walaasheed, kadibna iyadoo ilimeyneysa ayaa kor loo qaaday, waana qaar kamid ah sawiradii tiiraanyada lahaa ee laga qaaday dadka.

Eman iyo aabaheed ayaa ku sugnaa dalka Dijbouti tan iyo isniintii lasoo dhaafay markaas oo loo diiday iney galaan Mareykanka maadaama ay asal ahaan kasoo jeedo Yemen.

Gabar Ardayad ah Sara Yarjani, ayaa iyadana lo diiday iney ku laabato US, halka dad kale oo badan ay dhibaato taas lamid ah heleen.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa dadkaas Mohamed lye oo ay la socotay gabadhiisa oo ah afar sano jir lagu magacaabo Naciimo kuwaas oo iyagana kamid ahaa dadkii loo diidanaa iney galaan Mareykanka

Dalalka uu ka mamnuucay Donld dalkiisa waxaa kamid ah Iraq, Syria, Iran, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen, laakiin maxkamada ayaa ogolaatay in dadkaas ay Mareykanka soo galaan inta kiiskan si dhameystiran loo dhageysanayo

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada