Daawo: Dawlada Cusub ee Maraykanka oo u digtay Woqooyiga Kuuriya

Daawo: Dawlada Cusub ee Maraykanka oo u digtay Woqooyiga Kuuriya

daajis.com:- Xog-hayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in hadii Kuuriyada Woqooyi adeegsato hub Nukliyeer ah lagaga felcelin doono “go’aan adag oo meel mar ah” .


Mattis wuxu ka hadlayey Koonfur Kuuriya oo uu u tagay inuu mar labaad u xaqiijiyo taageerada Maraykanku u hayo dalkooda, ka dibna wuxu u sii duulay Tokyo.

Wuxu sidoo kale mar labaad caddeeyey qorsha ah in gantaalaha difaaca ee Maraykanka la dhigo Koonfur Kuuriya dabayaaqada sannadkan.

Maraykana waxa ka jooga Koonfurta Kuuriya iyo Japan ciidamo xooggan oo joogitaankoodu qayb ka yahay heshiiskii gaashaan dhigga ee wadamadaasi la saxeexdeen Maraykanka dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. Koonfur Kuuriya waxa fadhiya ciidamo Maraykan ah oo tiradoodu wax yar uun ka hoosayso 28,500 oo askari kuwaas oo Seoul ay bixiso ku dhawaad 900 milyan oo doolar oo qayb ka ah miisaaniyad sannadeedka ciidamadaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa hore u sheegay in uu doonayo in Koonfur Kuuriya iyo Japan labadooduba bixiyaan lacago dheeraad ah oo lagu dabbaro kharashka ciidamadaa ku baxa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada