daajis.com:- Waxa uu diyaargarow xoogani ka socdaa xarunta lagu wado in dhawaan lagu qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, goobtani ayaa ah goob Teendho ah oo ku dhextaala Xarunta ciidamada Cirka ee Afsyoone.
Doorashadan ayaa la sheegayaa inay ka qayb qaadan doonaan musharaxiintii ugu badnaa ee isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, tirada musharaxiinta tartamaya ayaa gaaraya ilaa 23 musharax, iyadoona la’isla dhexmarayo in musharaxiin badani ay tanaasuli doonaan inta aysan bilaaban doorashada.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 08-02-2017 waxa ay ka dhacaysaa xarunta ciidanka cirka ee Afisyoone, iyadoo dhawaan gudiga doorashooyinka uu ku dhawaaqay, in doorashada laga soo wareejiyay xaruntii lagu qaban lahaa e Iskool Polozia, arimo amniga la xiriira awgeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:30 and have

