Somaliland oo u Digtay Dadka Caanka ah ee ka Soo Jeeda Somaliland Inaysan Tegi Karin Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Somaliland oo u Digtay Dadka Caanka ah ee ka Soo Jeeda Somaliland Inaysan Tegi Karin Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Wasiirka warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid, ayaa siyaasiyiinta iyo weriyeyaasha ka soo jeeda deegaanada Somaliland uga digay iney booqdaan magaalada Muqdisho.

Saxardiid ayaa sheegay inaan loo dulqdaan doonin in siyaasiintu iyo suxufiyiintu ay iska tagaan magaalada muqdisho isla markaana ay ku soo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo gacmaha kula jira waxyaabo lidi ku ah madax banaanida Somaliland.



Waxaa uuna sheegay in Somaliland ay go’aansatay inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale isla maraaana aan laga yeeli doonin wariyeyaasha, Fanaanada, Siyaasiyiintaiyo Odey dhaqameedyada inay tagaan magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili maalintii arbacada ahayd Wariye Cabdi-maalik Coldoon oo arimaha bulshada ka shaqeeya lagu xiray magaalada Hargeysa markii uu ka laabtay booqasho uu ku yimid magaalada magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada